Guddiga Wanaag-farista Oo Ka Digay In Somaliland Laga Xuso Curashada Sannadka Cusub Ee Miilaadiga

Hargaysa (HCTV) – Guddiga Wanaag-farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa ka digay in dalka laga sameeyo xaflado looga dabaal-degayo sanadka cusub ee Miilaadiga ee 2020-ka, kaasi oo Foodda innagu soo haya.

Guddigu waxay Xukuumadda Somaliland iyo ciidamada ammaanka ugu baaqeen in laga hor tago in aanay dhallinyaradu qabsan xaflado loogu dabaal-degayo sanadka cusub ee 2020-ka.

Xubno ka mid ah Guddigaasi oo uu wehelinayay guddoomiyaha guud ee guddigaasi sheekh Muuse Jaamac, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskoodda Magaaladda, ayaa waxay Bulshada kula dar-daarmay in dadka islaamka ah aanay u banaanayn in ay xusaan sanadka cusub ee Miilaadiga, isla markaana diinta islaamku ay dadka muslimiinta ah u banaysay in ay u dabaal-degaan labadda Ciiddood ee Adxa iyo Fidriga.

Sheekh Muuse Jaamac, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi,  “Xiligan aan maalmaha soo socda gelaynaa, waa xili uu sanadkii Miilaadiga ahaa dhamaanayo, waxaan markaa ummada islaamka ah uga digaynaa, in aanay wax Ciid ahina inoogu jirin, wax farax ahina inoogu jirin, wax dabaal-deg ahina inoogu jirin, Innaga (Islaamka), Ciiddaheenu waa labadda Ciidood, ee ILLAAHAY SWT cibaado inooga dhigay, kuwaasi oo kala ah Ciiddal Adxaa iyo Ciiddul Fidri. Labadaas ciiddood ayay shareecadeena islaamku amartay, Ciid kale oo ILLAAHAY diintiisa inoogu soo dejiyay ma jirto”.

Sheekh Muuse Jaamac, ayaa ugu bulshadda reer Somaliland gaar ahaana dhalinyarada in aanay qabsan karin wax munaasibado ah oo loogu dabaal-degayo sanadka Miilaadiga ah, isla markaana aan Badaha loo tamashle tegi karin “Markaa waxaan u soo jeedinayaa bulshada islaamka ah, in aan ciid laga dhiganin,  la isku-na hambalyaynin,  la isku-na xafladaynin, hudheellada-na aan la isugu soo bixin, Badaha-na aan lagu yaacin. Wax Ajri ahna aan laga helaynin”ayuu yidhi sheekhu.

Sheekh Muuse waxa uu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay in ay tallaabo ka qaado haddii ay bulshadu qaadan waayaan fariintooda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka