Koox Islaamiyiin Ah Oo Gawracay 11 Qof Oo Kiristaan Ah (Akhri)

HomeSomali News

Koox Islaamiyiin Ah Oo Gawracay 11 Qof Oo Kiristaan Ah (Akhri)

Kenya Oo Xidhay Xuduudaha Ay La Leedahay Dalalka Tansaaniya Iyo Soomaaliya
Golaha Wakiillada Oo Bilaabay La Xisaabtanka Shirkadaha Laydhka
Somaliland & Soomaaliya oo La Filayo Inay kuwada Hadlaan Acra,Ghana
Dawladda Uganda Oo Shahaadooyinka Dhalashada U Samaynaysa Lo’da
Midawga Afrika Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Sudan

Nigeria (HCTV) – Kooxo Mitidiin ah oo xidhiidh la leh Daacish ayaa baahiyey Muuqaal ama Fiidiyoow ay ku sheegayaan inay gawraceen 11 Qof oo kiristaan ah.

Weerarka lagu laayey dadka Kiristaanka ah ayaa ka dhacay Waqooyi-bari dalka Nigeria.

Muuqaalka oo la baahiyey xilli dambe oo khamiistii ah ayaa muujinaya kooxo xidhiidh la leh Daacish oo tooganaya isla-markaana Gawracaya Rag Indhaha laga xidhay.

“Tani waa Farriin ku socoto dhammaan Dadka Kiristaanka ah ee ku nool Dunida..” ayuu yidhi, Nin wejigiisu qarsoon yahay oo ka hadlayey Muuqaalka la baahiyey

Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay Kooxaha hubaysan ee Waqooyiga Dalka Nigeria ka wada weerarrada ay ku beegsanayaan Dadka Rayidka ah.

Weerarkan lagu gawracay dadka Kiristaanka ah ayaa lagu soo beegay Dabbaal-degga Kirismaska.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS