Turkiga Oo Muqdisho Soo Gaadhsiiyey Dhaqaatiir Iyo Dawooyin

Muqdisho, (HCTV) – Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa dhibaatadii ka dhalatay qarixii argagixiso ee shalay ka dhacay magaaada Muqdisho ayaa soo gaadhsiiyey Gurmad Isugu jira Dawooyin iyo Dhakhaatiir.

Waxaanay Diyaaradii sidday dhaqaatiir iyo dawooyinku ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo  mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah, iyagoona  guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahad celisay Dowladda Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka  jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah  xiliyada ay musiibooyinku ay geystaan kooxaha argagixisada ee Alshabaab.

Qarixii shalay ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ayaa  sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dowladda  Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dadka dhaawacyada culus qaba loogu  qaadi lahaa caafimaad dibadda ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.