Ukraine Iyo Gooni U Goosadka Taabacsan Ruushka Oo Maxaabiis Isweydaarsaday

Moscow/ Kyiv, (HCTV) – Ciidamada dowlada Ukraine iyo kuwa gooni u goosadka ah ee bariga dalka Ukraine ee taabacsan Ruushka ayaa dhameystiray Iswaydaari dhamaystiran oo ku saabsan Maxaabiis la is-dhaafsaday, iyadoo la isweydaarsanayo dhamaan maxaabiistii xidhnayd mudada shanta sano ah ee dagaalku socday, sida uu sheegay madaxweynaha dalka Ukraine.

“Siideynta labada dhinac ee maxaabiista ayaa la soo gabagabeeyey,” ayaa lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee Kyiv.

Maxaabiis tiradoodu gaadhayso 76 maxbuus oo dowlada Ukrain ka soo jeeda ayaa dib ugu noqday dalkoodii, halka mas’uuliyiinta gooni u goosadka ahina ay sheegeen in isbaheysiga Donetsk iyo Lugansk People’s Republics ay qaateen guud ahaan 124 Maxbuus.

Isweydaarsiga ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ay wada-hadalo fool ka fool ah ku yeesheen Paris 9-kii bishan December waxaanay ku heshiiyeen qaar ka mid ah tallaabooyinka lagu joojinayo dagaalka.

Shirkan, oo ay dhexdhexaadiyeen hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Jarmalka, ayaa ahaa kii ugu horreeyay noociisa oo kale muddo saddex sano ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.