AFRIKA: Wasiir La Ilmeeyay Horumar Uu Dalkiisu Sameeyay

Benin (HCTV)- Waxa jira habab badan oo Bani-aadamku ku muujiyaan dareenkooda farxadeed ee ka tarjumaya Guulaha ay ka gaadhaan Ahdaaftooda.

Laakiin, in indhahaaga ay ilmadu ka qubato ayaa ah habka ugu fiican ee dareenka Farxadeed lagu muujiyo sida Wasiirka Beeraha ee dalka Benin Cossi Gaston Dossouhoui, kaasi oo ilmada xajin waayay markii loo sheegay in Dalkiisu uu Dalalka Galbeedka Afrika ku hoggaaminayo Wax soo-saarka Cudbida.

 Wasiirka Beeraha ee Dalka Benin ayaa ilmeeyay markii lagu dhawaaqay in Dalkiisu uu kaalinta koowaad ugu jiro Wax soo-saarka Cudbida, waxaana mar keliya la arkay isagoo ku dul ilmaynaya Kursigii uu fadhiyey.

Benin ayaa noqonaya Dalka soo saara Cudbida ugu badan ee Afrika sanadaha 2019 illaa 2020.

Sannadkan dhamaanaya ee 2019-ka waxay Benin soo saartay 1,450 oo xidhmo, halka Maali ka soo saartay 1,425, sidoo kalena Dalka Burkina Faso uu saaray 1,200 xidhmo.

Mali ayaa Sanadihii 2018 illaa 2019 ka kor martay Burkina Faso oo Kaalin wanaagsan ku jirtay, halka Benin ay Kaalinta koowaad gashay Sannadkan dhamaanaya ee 2019-ka.

War-bixinta lagu sheegay in Benin ay noqotay Dalka soo saara Cudbida ugu badan ayaa waxa soo saartay Waaxda Beeraha ee Dalka Maraykanka, taasi oo sanad kasta soo saarta war-bixin la xidhiidha wax soo-saarka dhinaca Beeraha ee dalalka Adduunka.

Waaxda Beeraha ee Maraykanku waxay saadaalisay in Benin ay sanadaha soo socda haysan doonto Kaalinta koowaad ee wax soo-saarka Cudbida.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka