Itoobiya: Booliska Kililka Soomaalida Oo Qabtay Gaadhi Walxaha Qarxa Laga Soo Buuxiyey

Wardheer (HCTV) – Ciidammada ammaanka ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa Magaalada War-dheer ee Gobolka Doolo ku qabtay Gaadhi la sheegay in laga soo buuxiyey Walxaha Qarxa.

Gaadhiga ayaa Ciidammada Amnigu sheegeen in la qabtay intii aanu gelin gudaha Magaalada Wardheer.

Ciidammada Booliska ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay qabteen 4 Rag ah oo Gaadhiga la socday, waydiinayaana su’aalo la xidhiidha halka Gaadhigu ka yimid, Cidda ku soo rartay Walxaha Qarxa iyo halka hadafkiisu ahaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Hiiraan.com