Soomaaliya: Hay’adda NISA Oo Qarixii Muqdisho Ku Xidhiidhisay Dal Shisheeye

HomeSomali News

Soomaaliya: Hay’adda NISA Oo Qarixii Muqdisho Ku Xidhiidhisay Dal Shisheeye

Somaliland: W/Waxbarashada Oo Daahfurtay Shirka Dib U Eegista Siyaasada Waxbarashada
Maraykanka Oo Ciidamada Eritrea Ugu Baaqay Inay Ka Baxaan Gobolka Tigrayga
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Sheegay In Magacaabista Guddida Doorashadu Dastuurka Ka Horimanayso
Sweden: Kuuriyada Woqooyi Oo Joojisay Wadahadaladii Nukliyeerka Ee Ay La Lahayd Maraykanka
Maamulka HCTV Muxuu Ka Yidhi Xayiraadka Telefishanka La Saaray

Muqdisho (HCTV) – Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee magaceeda loo soo gaabiyo NISA ayaa War ay soo saartay ku sheegtay in Qaraxii doraad ka dhacay Magaalada Muqdisho ay ka dambaysay Dawlad shisheeye.

Qaraxa oo ka dhacay Kantaroolkii Ex-Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay Dad gaadhaya 100 Qof, waxaana ku dhaawacmay Dad gaadhaya 80 Qof.

Hay’adda NISA oo sheegtay inay waddo baadhis arrintaas la xidhiidha ayaa War kooban oo ay ku baahisay Twitter-ka waxay ku sheegtay in weerarkan ay ka dambaysay Dawlad shisheeye oo aanay Magaceeda sheegin.

Qoraalka NISA ayaa u dhignaa sidan “Waxaan madaxda Qaranka u gudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baadhitaanka socda si  loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka  qaarkiis..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS