Sudan Oo 29 Xubnood Oo Sirdoonka Ka Tirsan Xukun Ku Riday

Khartoum, (HCTV) – Maxkamadd ku taala dalka Suudaan ayaa maanta xukuno ku riday 29 xubnood oo ka tirsan sirdoonka dalkaasi, kuwaas oo lagu eedeeyey inay dil iyo jidhdilo u gaysteen dad xabsiyada ku xidhan intii lagu gudo jiray dibadbaxyadii lagaga soo horjeeday hogaamiyihii mudada dheer ka talinayey dalka Sudan ee Cumar Xasan Al-bashiir, horaantii sanadkan sii dhamaanaya.

Eedaysanayaasha ayaa lagu helay dambiyo iyo gaboodfalo ay xarunta Sirdoonka ugu dhex gaysteen Axmed Al-kheir oo macalin ahaa oo markii dambana jidh-dil u dhintay, sida uu sheegay xaakim Sodok Cabdelraxman.

Macalinka ayaa la garaacay oo la jidh dilay ilaa intii uu ka dhimanayey, waxaana lagu soo xidhay bishii January xarunta Sirdoonka oo ku taalay gobolka Bariga dalkaasi ee Kassala, isda uu sheegay xaakimku.

Sidoo kale Afar Sarkaal oo kale ayaa lagu xukumay saddex sanadood oo xabsi ah iyo todoba kale oo iyaga aan lagu helin dambi kuwaas oo wadada u xaadhay dimuqraadiyada ku meelgaadhka ah ee dalkan ku yaala waqooyiga Afrika.

Qoyska macalinka jidhdilka lagu khaarajiyey ayaa u sheegay saraakiisha amaanka in markii hore loo sheegay inuu u dhintay sun, base maalmo ka dib baadhis dalku uu sameeyey lagu ogaaday inuu u dhintay jidh-dil iyo garaacis loo gaystay.

Boqolaall qof ayaa taagnaa dibada Maxkamada Omdurman halkaasi oo xukunka lagaga dhawaaqay. Waxaanay dadka qaar siteen calanka dalka Suudaan halka kuwo kalena ay siteen sawirka Al-kheir, waxaanay markii go’aanka lagu dhawaaqay ayay si way ugu riyaaqeen go’aankaasi lagu riday 29-ka xubnood ee ka tirsan ee maanta la xukumay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.