Madaxweyne Biixi Oo Xadhigga Ka Jaray Dhismeyaal Lagu Kordhiyey Xarunta Guud Ee Ciidanka Dab-damiska

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo loo bineeyey ciidanka dab-damiska Somaliland, kuwaas oo laga dhisay xarunta guud ee ciidanku ku leeyahay caasimadda Hargeysa.

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhig-ka jariska dhismeyaasha cusub ee ciidanka, islamarkaana lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay ciidanka Dab-damiska sannadka sii gebogeboobay ee 2019-ka iyo qorsheyaasha sannadka soo socda, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay taliyaha ciidanka dab-damiska, sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda Hargeysa, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka ciidamada Booliska iyo Militeriga, qaar kamid ah dhallinyarada ciidanka Dab-damiska, salaadiin, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay ciidanku u leeyihiin guud ahaanba bulshada reer Somaliland iyo badbaadinta nafta iyo hantida muwaadiniinta.

Ugu horrayn taliyaha ciidanka dab-damiska Somaliland Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo warbixin qoto dheer munaasibadda ka jeediyey, ayaa si hufan u sharraxay kaalinta ay ciidanka dab-damisku kaga jiraan nolosha bulshada iyo horumarkoodaba, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ciidan ahaan sannadihii lasoo dhaafay badbaadiyeen nafo iyo hanti badan oo ay leedahay bulshada reer Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Jaamac Xaaji Maxamed iyo ganacsade Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ciidanka Dab-damiska iyo taliskoodaba, waxana ay bulshada ku boorriyeen inay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa sharraxay kaalinta naf-hurnimada leh ee ay ciidanka Dab-damisku ka ciyaaraan noloshada bulshada iyo badbaadinta nafta iyo hantida muwaadiniinta, waxana uu xusay inay xukuumad ahaan ka go’an tahay in mudnaanta koowaad la siiyo ciidanka la dagaallanka dabka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Mudnaanta koowaad baynnu siinaynaa ciidanka dab-damiska, qarankuna waxba ka hagran maayo oo waa ciidan dagaal ku jira, waxana aan shacabka oo dhan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan ciidanka dab-damiska, iyaga iyo qolada ambalaaskuba marka ay gurmadka yihiin waa in waddada loo banneeyaa.”

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale mid mid u kormeeray dhismeyaasha iyo xafiisyada kala duwan ee xarunta ciidanka damb-damisku ku leeyahay caasimadda Hargeysa, isaga oo sidoo kale indhihiisa ku arkay gaadiida casri ah oo xukuumaddu u iibisay ciidamadanka iyo agab casri ah oo lagula dagaallamo dabka.

Sidoo kale, waxa madasha lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay ciidanka dab-damiska Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii dhammaaday ee 2019-kii oo ay sameeyeen 942 hawlgal oo  lagu badbaadiyey dad, xayawaan iyo hanti dadweyne oo dhibaatooyin kala duwani gaadheen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka