Akhri: Duufaan Ku Soo Beegantay Ciidda Kirismiska Oo Dishay 50 Ruux

Filibiin (HCTV) – Tirada dadka ku dhintay duufaano xoog badan oo ku dhuftay badhtamaha Filibiin xilli lagu jiray Ciidda Kirismaska ayaa kor u dhaaftay 50 qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Dabaylaha Typhoon Phanfone iyo roobab mahiigaan ah ayaa burburiyay dhismayaal ganacsi oo badankoodu ku yaallay jasiiradda Visayas, taas oo saameysay in ka badan laba milyan oo qof.

Ugu yaraan 80,000 ayaa weli ku jira xarumaha badbaadada degdega ah, waxaana laga yaabaa inay sii joogaan illaa bilowga sanadkan cusub, marka loo eego baaxada burburka.

Duufaantan Dadka badan ku dhinteen ayaa waxa kale oo uu ku dhaawacmay 143 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka