Puntland: Odayaal Ka Soo Horjeedsaday Mashaariicda Imaaraadku Wado Oo Maxkamad La Soo Taagay

HomeSomali News

Puntland: Odayaal Ka Soo Horjeedsaday Mashaariicda Imaaraadku Wado Oo Maxkamad La Soo Taagay

Ethiopia Oo Lacago Daymo Ah Urursanaysa
Ilmo Laba Jir Ah Oo Ay Cuneen Yaxaasyo
Maxaabiistii Ugu Badnayd Oo Ay Is-dhaafsadeen Xulafada Sucuudiga Iyo Xuutiyiinta Ku Dagaalamaya Yemen
Faahfaahin: Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxa Ka Dhacay Muqdisho Iyo Wararkii U Dambeeyay
Gebilay : Ururka Hanaan Ogaal Ayaa Tababar U Qabtay Qaar Ka Mid Ah Bulshada.

Boosaaso (HCTV) – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Maxkamad hor-geeyay Madax-dhaqameed la sheegay inay ka soo horjeedsadeen Mashaariicda Horumarineed ee Dawladda Imaaraadka Carabtu ka waddo Deegaannada Puntland.

Odayaal dhaqameedka Maxkamadda Boosaaso la hor-geeyay Maanta ayaa marmar kala duwan Warbaahinta mariyey Hadallo ay ku muujiyeen inay ka soo horjeedaan Hawlaha Horumarineed ee Imaaraadku ka wado Gudaha Puntland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Maamulka Dekedda Boosaaso oo lagu wareejiyey Shirkadda DP World oo Imaaraadka laga leeyahay.

Maxkamadda Degmada Boosaaso oo Maanta la horgeeyay Odayaasha oo xidhnaa ayaa Dhageysiga Dacwaddooda u mudday Maalinta Axadda ee Toddobaadka soo socda, si dhegaysiga Dacwaddooda loo sii ambo-qaado.

Imaaraadka oo Mashaariicda uu ka wado Puntland ay Odayaashani ka soo horjeedsadeen ayaa halkaa ka fuliyey Mashaariic ay ka mid yihiin Ballaadhinta Garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyo Maalgelin uu ku samaynayo Dekedda Boosaaso.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

 

COMMENTS