Kornayl Caarre Oo Ciidankii La Socday Wareejiyey

Ceerigaabo (HCTV) – Kornayl Siciid Cawil Caarre oo bishii May ee sannadkii 2018-kii ka goostay Ciidammada Qaranka, ayaa Maanta Ciidankii la socday ku wareejiyey guddidii dhexdhexaadinta ee u kala dab-qaadaysey isaga iyo Xukuumadda.

Munaasibad lagu qabtay duleedka Buurta Daalo ee Gobolka Sanaag oo ay Maalmihii u dambeeyay ku sugnaayeen Ciidamada kornayl Caarre oo dhawaan uu Madaxweyne Biixi Cafiyey ayaa uu Kornaylku si rasmiya uu Guddiga dhexdhexaadinta ugu wareejiyey Ciidanka, kuwaasi oo muddo sannad iyo dheeraad ah duurka ku jiray.

Kornayl Caarre oo halkaa ka hadlay ayaaa sheegay inay Maanta tahay Maalin Taariikhi ah, maaddaama buu yidhi la soo afjaray khilaafkii sababay in isaga iyo Askartii taabacsanayd ka goostaan Ciidammada Qaranka Somaliland.

Siciid Cawil Caarre oo isaga Madaxweynuhu cafiskiisa shuruud ku xidhay ayaa Maanta markii uu ka hadlayey madashii uu Ciidanka ku wareejiyey wuxuu farriin u diray Madaxweynaha iyo Taliyaha guud ee Ciidammada Qaranka “Taliyaha ciidanka Qaranka Nuux Taani waxaan leeyahay caddaalad samee, odayga dalkana (Madaxweynaha) waxaan leeyahay qoladu waxba ma tarto oo Anagay dagaalkii naga diideen.”ayuu yidhi, Kornayl Caarre.

Ugu dambayn, Caarre ayaa sheegay in ciidanka uu odayaasha ku wareejinayaa dhan yihiin sagaal boqol oo askari, kuwaas oo wata boqol Tikniko ah.

Lama oga mustaqbalka Kornayl Siciid Cawil Caarre.

Horn Cable Tv

WAAXDA ONLINE-KA