Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Maayar Soltelco Cidna Aanu Dacwad Ka Gudbin Karin

 “Mudadii Golaha Deegaanka Hargeysa ninkaasi Hogaaminayey Shan Sanno Ayay Ahayd, Laba Sano Oo Qayrul Sharci Ah Ayuu Cashuurta Ummaddana Ku Qaataa” Afhayeenka Xisbiga Waddani, Barkhad Jaamac Batuun

Burco, (HCTV) – Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in Maayar Soltelco shantii sano ee la doortay ay dhamaatay laba sano oo qayrul sharci ahna uu kursiga ku fadhiyo umaddana uu cashuurta kaga gurto, sida uu hadalka u dhigay Afhayeenku.

Barkhad Jaamac Batuun oo maanta warbaahinta kula hadlayey Hotel Kaafi ee magaaladda Burco ayaa sheegay in aanu Soltelco cidna dacwadd ka gudbin Karin, maadaama oo aanu Maayarku ku fadhiyin wax sharci ah.

“Arinta ku saabsan dacwadd xisbiyada mucaaridka masuuliyiintooda in uu dacwadd ka gudbinayo in la yidhaahdo Cabdiraxmaan Soltelco oo Hargeysa jooga.

Horta Cabdiraxmaan Soltelco isagoo ayo ah ayuu dacwad gudbinayaa? Su’aashaa in loo waadixiyo bulshada Somaliland waa taa. Cabdiraxmaan Soltelco waa shakhsi waana shicib, sharciyad uu Maayar ku sheegan karaana ma jirto, cida ay tahay in dacwad laga gudbiyo oo maxkamadd la saaraana waa isaga.

Maxaan sidaa u leeyahay? Dalku sharciyad ayuu leeyahay, distoor ayuu leeyahay, qawaaniin ayaa taala, mudadii Golaha Deegaanka Hargeysa uu ninkaasi hogaaminayey shan sanno ayay ahayd, laba sano oo saa’id ah oo qayrul sharci ah ayuu cashuurta ummaddana ku qaataa, kursigana uu ku fadhiyaa,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Barkhad Jaamac Batuun oo maanta warbaahinta kula hadlayey isagoo ku sugan magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.