Al-shabaab oo burburisay diyaarad Maraykanku leeyahay, sheegtayna inay dishay 10 Askari oo Amerikaan ah.

Kenya (HCTV) – Dagaalyahanno ka mid ah kooxda Al-shabaab ayaa Maanta weerarray Saldhig ku yaalla Gobolka Lamu ee dalka Kenya, kaasi oo ay wadaagaan Ciidammada Maraykanka iyo kuwa Kenya. 

Masuuliyiinta Amniga ee dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in xooggaga Al-shabaab ee weerarray Saldhiggu ay burburiyeen diyaarad Maraykanku leeyahay oo Saldhigga la weerarray taallay iyo gaadiid kuwa Ciidammada ah oo halkaa yaallay, sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee AP oo HCTV uu warkan ka soo xigtay.

Dhinaca kalena, Al-shabaab oo soo saartay bayaan ay kaga hadlayso weerarka Saldhigga Lamu ayaa sheegatay inay dishay 10 Askari oo Maraykan ah iyo 6 Millateriga Kenya ah. 

Al-shabaab waxa kale oo ay sheegatay inay weerarkaa ku burburisay diyaarad uu Maraykanku leeyahay oo saldhigga taallay iyo Gaadiid kuwa dagaalka ah,.

Kooxdu waxay Mareegaha Internet-ka ee taageera ku soo bandhigeen Sawirro muujinaya diyaarad fadhida oo gubanaysa, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay diyaaradda ay ku burburiyeen Saldhigga Ciidammada Maraykanka ee Lamu.

Toddobaad ka hor, Waaxda duulimaadyada ee Maraykank ee FFA ayaa ka digtay weerarro lala beegsado diyaaradaha ka diwaangashan Maraykanka ee isticmaala hawada Dalka Kenya.

La soco wixii ka soo kordha Weerarkaasi.

 

Horn Cable Tv

WAAXDA ONLINE-KA