Koox U Dhalatay IRAN Oo Weerar ku qaadday Website-ka Dawladda Maraykanka

USA (HCTV) – Koox sheegatay inay u dhasheen IRAN ayaa sheegay inay weerareen Mareegta (Website-ka) Dawladda Maraykanka isla-markaana ay jabsadeen.

Kooxdan oo sheegay in weerarkoodu jawaab u yahay Dilkii Maraykanku u geystay Jeneraal Qaasin Sulaymaani oo ahaa Taliyihii Ciidammada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN, ayaa Website-ka ku baahiyey Farriin ay uu socdo Sawir muujinaya Madaxweyne Trump oo Afka dhiig ka daadanayo.

Laakiin, weli ma jiraan Caddaymo muujinaya in kooxda Jabsatay Website-ka Dawadda Maraykanku yihiin ama u dhasheen Jamhuuriyadda IRAN.

Weerarkan dhinaca Internet-ka ee lagu qaaday Website-ka dawladda Maraykanka ayaa ku soo beegmaya dhowr Maalmood uun ka dib, markii Dawladda Maraykanku dilay Jeneraal Qaasin Sulaymaani.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka