Maraykanka Oo Fiisaha U Diiday Wasiirka Arrimaha Dibedda IRAN (Akhri)

USA (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa Dal ku-galka u diiday Wasiirka Arrimaha dibedda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN, Javad Zarif.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee IRAN, Mr. Javad Zarif ayaa doonayey inuu dhammaadka Toddobaadkan tago Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ee dalka Maraykanka, laakiin Warar soo baxay ayaa sheegay in loo diiday Fiisaha Maraykanka, sida ay baahisay Al-jazeera.

Mr Zarif oo ka hadlayey Magaalada Tehran ee Xarunta IRAN, ayaa sheegay in Maraykanku uu sameeyay khalad weyn isla-markaana uu shirqool ku dilay Qasim Soleimani oo ahaa Taliyaha Ciidammada Kacaanka IRAN.

Warbaahinta Caalamiga ah ayaa sheegaysa in Tallaabada uu Maraykanku Fiisaha ugu diiday Wasiirka Arrimaha dibedda IRAN ay tahay Sharci-jebin.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka