Putin Oo Suuriya Kula Kulmay Bashar al-Assad, Xili Xiisadi Ka Dhex Oogantahay Maraykanka Iyo Iran

Damascus, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa kulan la yeeshay dhigiisa dalka Suuriya Bashar al-Assad intii uu ku gudo jiray socdaal uu ku tagay caasimada dalka Suuriya, xili aduunku uu eegayo dagaal dhexmara Maraykanka Iyo Iran oo gobolkaasi looga cabsi qabo.

Booqashadan uu Putin ku tagay Damascus oo noqonaysa booqashadii ugu horaysay iyo socdaalkii labaad ee uu ku tago Suuriya, oo xulafo la ah Iran, tan iyo intii uu bilaabmay dagaalkii Ciidamada Ruushku ay ku soo galeen dalkaasi Suuriya 2015 si ay u taageeraan dawlada Suuriya.

Labada hogaamiye ayaa dhagaystay hadalo ay jeediyeen Milatarigu oo ay ka dhagaysteen taliyaha ciidamada Ruushka eek u sugan Suuriya, waxaana sidoo kale Madaxtooyada Suuriya ay ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay oo uu la socday sawirka labada hogaamiye oo is-gacan qaadaya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.