Ururka SOLJA Oo Ka Dayriyey Xaaladda Caafimaad Ee Tifaftiraha HCTV Oo Laba Bilood Xidhan

Hargeysa, (HCTV) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen maanta waxa ay kaga dayriyeen xaaladda caafimaad ee wariye Cabdiqaadir Coday oo ah Tifaftiraha Telefishanka HCTV, oo mudo xidhan.

Ururka Suxufiyiinta Somailand ee SOLJA waxa uu ku baaqay in la sii daayo saxafiga xidhan, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka ka soo baxay Ururkaasi oo uu baahiyey Telefishanka HCTV, kaas oo u dhignaa sidan:

“Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa ay walaac xoogan ka muujinayaan xaaladda caafimaad ee Tifaftiraha Telefishanka HCTV Cabdiqaadir Saeebaan Casayr (Coday), kaas oo la xidhay 17-kii November 2019-ka, muddo laba bilood ahna ku xidhan xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa kadib markii Telefishanku uu baahiyey Warqad cabasho oo ay qortay shirkadd ganacsi oo gaar loo leeyahay ee Fly Dubai oo ay u qortay garoonka ay diyaaraduhu ay ka haadaan ee Cigaal International Airport.

Wariye Cabdiqaadir Coday ayaa intii uu ku xidhnaa Xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa waxa la soo darsay xaaladdo caafimaad oo aad u daran oo ay ka mid yihiin Dhiig-Car iyo Wadne Xanuun, waxaanay Boolisku muddo shan jeer ah ay u qaadeen dhakhtarka si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo,” Dhinaca kale ururka SOLJA waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in Qaabka loo xidhay Wariye Cabdiqaadir Coday ay baalmarsanayd hab-raaca sharciga Somaliland iyo xeerka Saxaafada Somaliland ee Lr 27/2004.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.