Waajibaadka Waaxda Hubinta Allaabooyinka ka soo gudba Kastamada Oo Wasaaradda Maaliyaddu soo kordhisay

 

Ka dib, markii 13-kii bishii Novamber ee 2017-kii Mudane Muuse Biixi Cabdi loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa si tallaabo-tallaabo ah u soo xoogaysanaya adeegyada ay bixiyaan Laamaha kala duwan ee Hay’adaha Dawladda.

Wasaarad iyo Hay’ad kasta oo Dawladeed waxay si gaarkeeda ah isagu hawlaysaa inay hagaajiso ama tayeyso Adeegyada ay Bulshada Somaliland u hayso, xafiisyadeeda hawl-fulintana ka dhigto kuwo si daah-furan u guta waajibaadka loo xil-saaray.

Tusaale ahaan, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL oo Qaranka ugu xil-saaran dakhli ururrinta, Gobol kastana ku leh Kastamo lagu cashuuro Alaabooyinka Ganacsi, ayaa tan iyo markii xilkeeda Wasiirnimo loo Magacaabay Dr. Sacad Cali Shire, waxay qaaddaysaa tallaabooyin kor loo qaadayo dakhli ururrinta, taasi oo ay barbar socdaan Tallaabooyin lagu sugayo daah-furaanta Habka Cashuur qabashada.

Tallaabooyinka ay Illaa hadda Wasaaradda horumarinta Maaliyaddu u qaadday dhanka Sugidda Cashuur-qabashada waxa ka mid ah Waax cusub oo hubinaysa (Cheking) Allaabooyinka Ganacsi, markay ka soo gudbaan kastamada Cashuur-qabashada ee Rasmiga ah.

Wasaaraddu waxay Kastam kasta oo cashuur lagu qaado ku kaabtay Waax hubinaysa in Alaabta Kastamka ka soo gudubtay martay jidkii saxda ahaa ama sharciga la waafajiyey, si looga baaqsado khaladaadka dhici kara.

Waaxdan cusub ee hubinaysa Alaabooyinka Kastamka ka soo gudbay oo si toos ah u hoos tagta Wasaaradda Maaliyadda isla-markaana ka Madax-bannaan Kastamada ayaa waxa Maamule ka ah Cali Ma-dhaafaan, waxaana ku-xigeen ka ah Cabdiqani Khayre.

Waaxda hubinta (Cheking-ka) ee Wasaaradda Maaliyaddu soo kordhisay oo ujeeddada loo sameeyay tahay inay ka shaqayso inaan Qaranka wax Cashuur ahi ka lumin, ayaa illaa hadda qabatay hawl la mahadiyey, waxayna Fashilisay Shabakado isku xidhnaa, kuwaasi oo lahaa habab ay ku leexsadaan Cashuurta Muwaadiniinta laga qaado ee loogu talo-galay inay Qasnadda Dawladda ku dhacdo, si Shacabka loogu adeego

Madaxda Waaxdan oo kaashanaya khibraddooda iyo hawl-wadeenadooda ayaa sannadkii dhamaaday ee 2019-kii qabtay shaqo muhiim u ah waajibaadka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka mid tahay in adeegga cashuur qabasho noqdo mid daah-furan, waxayna waaxdani muddadii ay jirtay dagaal adag ka gashay hab kasta oo Qasnadda Dawladda lagaga leexsan jiray Cashuurta ay qabtaan kastamadu, maaddaama oo waaxda hubinta (Cheking-ku) yahay halka u dambaysa ee ay soo marto alaabooyinka ka soo gudbay Kastamada.

Haddii la arko shaqsiyaad dhaliilaya Waaxdaasi, waxaad fahmi kartaa in aanay dadkaasi ogolayn in Musuqmaasuqa lala dagaalamo ee dakhligii Dawladda lala baal-maro Qasnadda Dawladda, taasi oo dhibaaato ku keenaysa kobcinta dhaqaalaha guud ee Qaranka.

Ugu dambayn, Anigoo ka mid ah Muwaadiniinta reer Somaliland waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa shaqada muhiimka ah ee ay Qaranka u hayaan Masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada Waaxda Hubinta Alaabooyinka ka soo gudba Kastamada Dalka.

Waxa kale oo aan amaanayaa Madaxda kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ee waaxdan muhiimka ah aasaasay.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Abiib.
Hargeisa/Somaliland.