Midawga Yurub Oo Ka Soo Horjeestay Xukuno Qisaas Ah Oo Somaliland Ay Fulisay

Nairobi, (HCTV) – Wakiilka Midawga Yurub u qaabilsan Somalia Nicolas Berlenga ayaa sheegay in Midawga Yurub uu ka soo horjeedo mabda’ ahaanba xukunada dil ah, oo xukuumadda Somaliland ay ku fulisay ragg ay maxkamaddi ku heshay inay dilal geysteen.

Nicolas Berlenga, Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka, waxaanu yidhi “Amniga, Doorashooyinka, Dayn cafinta, sharciga oo lagu dhaqmo, horumarka… dhammaanteen waan ognahay tirada dhibaatooyinkaas si loo soo afjaro.

Midowga Yurub wuxuu meel adag ka taagan yahay oo uu ka soo horjeedaa mabda ahaanba qisaasta mar walba.” Ayuu yidhi Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia Nicolas Barlenga.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.