Puntland: Ilmo Yar Oo U Geeriyooday Caano Ay Ku sumoobeen 7 Qof Oo Kale

Qardho (HCTV) – Cisbitaalka Magaalada Qardho waxa Saaka la dhigay 8 qof, kuwaasi oo la sheegay inay ku sumoobeen Caano ay cabbeen.

Dadka sumoobay oo ka kooban 2 Qoys ayaa waxa ku jira Carruur yaryar kuwaas oo midkood uu markii danbe geeriyooday sida ay Xaqiijiyeen maamulka Cisbitaalka  gacanta ku hayo xaaladda caafimaad  ee bukaannadaasi.

Masuuliyiinta Cisbitaalka wax faah-faahin ah kama  bixin sababta rasmiga ah ee keentay in dadkaas ay ku sumoobaan caanaha, inkasta oo ay weli wadaan baadhitaano arrintaasi la xidhiidha, sida baahisay Idaacadda Radio Muqdisho.

Warar kale ayaa sheegaya in loo malaynayo in Caanaha oo aan daboollayn ay Afka galiyeen Xayawaan Sun leh.

La Soco Wixii Warkan ka soo kordha

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka