Qardho (HCTV) – Cisbitaalka Magaalada Qardho waxa Saaka la dhigay 8 qof, kuwaasi oo la sheegay inay ku sumoobeen Caano ay cabbeen.
Dadka sumoobay oo ka kooban 2 Qoys ayaa waxa ku jira Carruur yaryar kuwaas oo midkood uu markii danbe geeriyooday sida ay Xaqiijiyeen maamulka Cisbitaalka gacanta ku hayo xaaladda caafimaad ee bukaannadaasi.
Masuuliyiinta Cisbitaalka wax faah-faahin ah kama bixin sababta rasmiga ah ee keentay in dadkaas ay ku sumoobaan caanaha, inkasta oo ay weli wadaan baadhitaano arrintaasi la xidhiidha, sida baahisay Idaacadda Radio Muqdisho.
Warar kale ayaa sheegaya in loo malaynayo in Caanaha oo aan daboollayn ay Afka galiyeen Xayawaan Sun leh.
La Soco Wixii Warkan ka soo kordha
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka