Wii Uu Dhalay Sheekh Axmed Deedat Oo Lagu Toogtay Koonfur Afrika

S/Afrika (HCTV) – Wiil uu dhalay Wadaadkii caanka ahaa ee Sheikh Ahmed Deedat ayaa lagu toogtay Dalka Koonfur Afrika.

Ninka uu Dhalay Sheikh Ahmed Deedat oo Magaciisu yahay Yuusuf Axmed Deedat ayaa laga toogtay Madaxa, xilli uu ku sii jeeday Maxkamad ku taalla Magaalada xeebta ah ee Durban, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Turkigu.

Kornayl Magaciisu yahay Thembeka Mbele auaa sheegay in Yousuf Deedat oo xilligan da’diisu tahay 65 Jir laga toogtay Madaxa, isagoo u lugaynaya Maxkamad halkaa ku taalla, iyadoo ay la socotay Xilligaa Xaaskiisu.

Kornaylka Booliska ah ayaa sheegay in Ninka uu dhalay Sheekh Axmed Deedat oo ka shaqeeya arrimaha Bulshada ay rasaas ku furtay Cid aan illaa hadda la garanayn, madaxana dhaawac ka soo gaadhsiiyeen.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Qoyska Reer Deedat ayaa lagu sheegay in Xaaladda Yuusuf Axmed Deedat culus tahay, laguna hayo Cisbitaal Maxali ah oo ku yaalla Magaalada Durban.

Sheekh Axmed Deedat, oo Geeriyooday sannadkii 2005-tii ayaa ah Muwaadin u dhashay Koonfur Afrika, waxaanu muddo dheer Fagaareyaasha ku qabanayey Muxaadarooyin iyo doodo khuseeya Diinta Islaamka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka