Aqoonyahan Si Wanaagsan Looga Yaqaano Somaliland Oo Xisbi Kaga Dhawaaqay Muqdisho

HomeSomali News

Aqoonyahan Si Wanaagsan Looga Yaqaano Somaliland Oo Xisbi Kaga Dhawaaqay Muqdisho

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Salaadda Ciidul-fidriga kala qayb-galay Shacabka Hargeysa
Diyarado Duqeyey Idaacad Ku Hadasha Afka Alshabaab.
Akhri: Wasiirro Xilka Laga Qaaday Oo ka Warramay Dareenkooda
Maqaal: Labadan Talaabo Haddii La Qaado Waxay Kor U Qaadaysa Sumcadii Somaliland
Dufcadii 11aad Oo Ka Kooban 606 Arday Oo Ka Qalinjabiyey Jaamacadda Admas

Muqdisho, (HCTV) – Prof. Cismaan Abuukar Dubbe, oo si wanagsan looga yaqaano deegaanada Somaliland isla markaan si dhaw ula shaqayn jiray Xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed cusub oo lagu magcaabo, Xisbiga Nabbada Barwaaqada iyo Midnimada ee (HILOW).

Prof. Cismaan Abubakar Dubbe, ayaa sidoo kale ka mid ahaa aqoonyahankii qaybta ka qaatay ee qoray barnaamijkii Xisbiga KULMIYE uu olalaha doorashada ku galay ee lagu doortay Madaxweynaha Somaliland ee hadda Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu Professor-ka oo arintaasi xisbiga looga diiwaangaliyey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaia uu yidhi “Waxaanu hadda ka soo baxnay xafiiska guddida diiwaangalinta asxaabta qaranka Somalia oo aanu ka soo diiwaangalinay xisbi cusub oo hankiisa, himiladiisa iyo hoggaankiisuba ku cusub yihiin dhagaha iyo maqalka shacabka Soomaaliyeed, 60 sanadood ayaa ka soo wareegtay markii Soomaalidu xornimada ay qaadatay ee ay ka qaadatay gumaysigii qaybiyey ee kala qoqobay, ummadihii wakhtiga inala qaatay xoriyadda 60-kaa sanadood ka hor ee dawladaha dunida ka mid ahaa, maanta waxay dageen oo ummadahoodii ay dajiyeen gurya-samo, gayigoodiina waxay ka dhigeen guri barwaaqo ah oo nabadd ah oo xasiloon. Laakiin nasiib-darooyin, dagaalo iyo dib u dhac ayaa ahaa inta kaga soo aaday Soomaalida, qaybtii ay duniddu qaybsatay,” ayuu yidhi Professor Cismaan Abubakar Dube, oo maanta xisbigiisii ka diiwaangaliyey magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS