Fayras Cusub Oo Ka Dilaacay Dalka Shiinaha

HomeSomali News

Fayras Cusub Oo Ka Dilaacay Dalka Shiinaha

Wasaarada Shaqo Galinta Oo Kulan Lagaga Hadlayo Qorshe Sanadeedka Soo Socoda Ku Qabatay Magaalada Hargaysa
Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Isreal Gaadhay Maanta
DAAWO: Taariikh Nololeedkii Dr. Cali Khaliif Galaydh (1941-2020)
Warbaahinta Carabta Qoraya Erayo Cadho Leh Oo Sheekha Xukuma Dubai Uu U Diray Xaaskiisa Baxsatay
Suudaan: Eedaymaha Loo Haysto Al-bashiir Oo Maanta Maxkamadda La Geeyay

Beijing, (HCTV) – Fayras cusub ayaa ka dilaacay dalka shiinaha Shiinaha, kaas oo durtaba laga helay dad tiradoodu gaadhayso 136 qof, xaaladahan cusub ee Fayraska ayaa saamayn ku yeelanaya habka neef-mareenka. Magaalada caasimada ah ee Beijing ayaa lagu soo waramayaa in laga helay laba kiis, halka Shenzhen la xaqiijiyey hal kiis.

Tirada guud ee uu haleelay Fayraska cudurkani ayaa hadda kor u dhaaftaysa 200, saddex qofna way u dhinteen.

Xaaladahan kacsan ee Fayraskan ayaa ku soo beegmaya xilli malaayiin Shiinees ah isu diyaarinayaan inay u safraan ciidaha sannadka cusub.

Saraakiisha caafimaadku waxay caddeeyeen Fayraskan, kaasoo markii ugu horreeyay laga soo saaray Wuhan bishii December, isagoo ah nooc ka mid ah corona-virus. Waxay sheegeen inuu asiibayo inuu bukoodo habka neefmareenadu, laakiin wax badan oo ku saabsan illaa iyo hadda lama oga.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS