Erdogan Oo Sheegay In Dawladdiisa Lagu Casuumay Inay Shidaal Ka Soo Saarto Soomaaliya

Ankara (HCTV) – Madaxweynaha Turkiga Rejab Teyib Erdogan ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ka dalbatay inuu Shidaal ka baadho Dalka Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in Madaxweyne Erdogan uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ku marti-qaadday in Turkigu uu shidaal ka baadho Soomaaliya.

“Waxaa jira dalab nooga yimid Soomaaliya, waxaana ay yidhaahdeen shidaal ayaa ku jira baddayada.” ayuu yidhi, Madaxweyne Erdogan oo u warramay Telefiishanka NTV oo Reuters soo xigatay.

Erdogan ayaa mar uu Magalaada Berlin ee dalka Jarmalka kula hadlayay Weriyeyaasha waxaa uu sheegay in Turkiga uu qaadi doona tallaaba la xidhiidha casuumadda uga timid Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli ka hadal warka ka soo baxay Madaxweynaha Turkiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka