Muqdisho: 3 Carruur Ah Oo Gaajo U Geeriyooday

Hargeysa (HCTV) – Ugu yaraan 3 Carruur ah ayaa Xanuun iyo  Gaajo ugu Geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Wakaaladda Wararka ee Turkiga ee Magaceedu yahay Anadolu ayaa iyadoo soo xiganaysa Warbaahinta Maxaliga ah ee Soomaaliya waxay sheegtay in Saddex Carruur ahi ay baahi daran ugu Geeriyoodeen Xero Barakacayaal oo ku taalla Magaalada Muqdisho.

Carruurtan oo Da’doodu u dhaxayso 4 illaa 6 jir, ayaa ku Geeriyooday Xero-baracayaal oo jaar la’ ah Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Geerida Saddexdan Carruurta ah ayaa timid, maalmo uun ka dib markii Hay’adaha Qaramada Midoobay dalbadeen $1 billion deeq ah, si gargaar loo gaadhsiiyo illaa 3 Million Qof oo Soomaali ah.

Hooyo Faadumo Xasan oo ka mid ah Haweenka ku dhaqan Xerada Geeridani ka dhacday ayaa sheegtay in noloshoodu halis ku jirto, Cid danaynaysaana aanay jirin, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

Toddobaadkii u dambeeyay, 13 Qof ayaa Xarumaha Barakacayaasha ee Muqdisho ugu Geeriyooday Xanuuno iyo baahi, sida Wakaaladdu baahisay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka