Sucuudiga Oo Joojinaya Maalgelintii Masaajiddada Dalkiisa Ka Baxsan

Saudi (HCTV) – Wasiirkii hore ee Cadaaladda ee Boqortooyada Sucuudiga Mohammed Bin Abdul-Karim Issa, ayaa sheegay in Dalkiisu joojinayo Maalgelinta Masaajidada ka dhisan Dalalka shisheeye ama dibedda.

Sida laga soo xigtay Wargeyska Le Matin Dimanche oo ka soo baxa Switzerland, Sucuudiga ayaa qorshaynaya in Masaajiddadii dhaqaalaha ku Maalgelin jiray uu Maamulkooda ku wareejiyo Guddiyo ama Goleyaal Maxali oo ay dusha ka maamulaan Dawladaha Dalalka ay ka dhisan yihiin Masaajiddadaasi.

Wargeysku wuxuu sheegay in Masaajid kasta loo samaynayo Guddi Maamusha, kuwaasi oo ka imanaya deegaanka uu Masaajid kastaaba ku yaallo, si Masaajiddada loogu wareejiyo Gacmo aamin ah.

Wasiirka hore oo u warramay Wargeyska Le Matin Dimanche ayaa isagoo tusaale u soo qaadanaya Masaajid ku yaalla Magaalada Geneva wuxuu sheegay in la gaadhay xilligii Masaajidkaasi lagu wareejin lahaa Guddi Matalaya Muslimiinta ku dhaqan halkaasi.

Wasiirku wuxuu sheegay in Tallaabooyin la mid ah kuwa Masaajidka Geneva ku yaalla laga qaadi doono Masaajiddada dunida ku yaalla oo dhan, iyadoo la tixgelinayo xagga amniga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka