Maraykanka Oo Sheegay Inuu Duqayn Ku Dilay Xubno Al-shabaab Ah

Soomaaliya (HCTV) – Hawl-galka Ciidammada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay inay duqayn ku dileen xubno ka mid ah Al-shabaab.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka oo  kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay 27-kii bishan oo shalay ahayd y duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen agagaarka degmada Jilib  oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe, isla-markaana ay la beegsadeen xubno  ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaas duqeynta ah ayaa Mareykanka waxaa uu sheegay inay ku dileen  xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo tiradooda aan la shaacin, isla-markaana  ayna wax khasaare ah kasoo gaadhin dadka rayid ah.

Sidaana waxa sheegay ku-xigeenka Agaasimaha howlgal;ada, Taliska Mareykanka ee Afrika  Gen. Bradford Gering.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada  ay siiyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka