Maraykanka Oo Yeeshay Diyaarad Shalay Ku Burburtay Afghanistan

Afghanistan (HCTV) – Ciidammada Millateriga ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey in mid ka mid ah diyaaradahoodu ay ku burburtay  Buuralayda Dalka Afghanistan.

Diyaaradda oo markii hore la rumaysnaa inay ahayd diyaarad Rakaab oo laga leeyahay Afghanistan, ayaa Ciidammada Maraykanku Maanta Sheegeen inay ahayd mid ka mid ah diyaaradahooda.

Diyaaradda ayaa ku dhacday Shalay Gobolka Ghazni ee Dalka Afhanistan, xilligaa waxa inay soo rideen sheegtay kooxda Mitidiinta ah ee Daalibaan.

Afhayeen u hadlay Ciidammada Maraykanka oo Magaciisu yahay Colonel Sonny Leggett ayaa warkan xaqiijiyey, balse wuxuu diiday inuu caddeeyo in Daalibaan soo ridday diyaaraddaasi.

“Illaa hadda sababta diyaaraddu u burburtay waalla baadhayaa..” ayuu yidhi, Colonel Sonny Leggett, laakiin wax faahfaahin ah kama bixinin in Dadkii diyaaradda la socday dhinteen ama dhaawacmeen.

Diyaaradda ayaa ahayd diyaarad ay lahaayeen Ciidammada Maraykanku.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka