CHINE: Cisbitaal Lix Maalmood Lagu Dhisay Oo La Furayo Maanta

Wuhan (HCTV) – Waxaa Maanta dalka Shiinaha laga furayaa Cisbitaalkii ugu horeeyay ee loogu talagalay in lagu daweeyo dadka uu haleelay caabuqa Corona ee ka dilaacay dalkaas.

Cisbitaalkan oo laga dhisay meel aan ka fogeyn halka uu xanuunka ka dilaacay markiisi hore ee Magaalada Wuhan ayaa shaqaalihii ka shaqeeynayay waxay ku qaadatay maalmo, si loo dhiso Cisbitaal ay seexan karaan kun bukaan.

Mas’uuliyiinta Magaalada Wuhan waxay sheegeen in hawsha ugu badan ee Cisbitaalka la qabtay 48-dii saac ee ugu horeysay, waxaana ay intaa raaciyeen in ay ka qeyb qaateen injineero ka kala socday shirkadaha dhismaha ee Shiinaha iyo injineerada ciidanka Dowladda.

Muuqaalo ay baahisay dowladda hoose ee Huanggang oo ah gobolka uu cudurka ka dilaacay ayaa muujinaya shaqaalaha dhismaha Cisbitaalka oo gidaarada gelinaya xadhkaha korontada, waxaana ay sheegtay in maalin ka hor la dhameystiray qeyb ka mid ah Cisbitaalka, la geliyay wax walba sida biyaha iyo korontada.

Mas’uliyiinta Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa hore u ballan-qaaday in Cisbitaal cusub ay ku dhisi doonaan muddo lix maalmood gudahood ah, si loogu daweeyo bukaannada looga shaki qabo inay qaadeen cudurka coronavirus.

Ilaa iyo hadda waxaa Shiinaha gudihiisa laga xaqiijiyay 6,000 oo kiis oo cudurkaas ah, halka 132 ruuxna ay u dhinteen inta la ogyahay.

Cudurkan ayaa markii ugu horreysay ka dillaacay Wuhan, oo hoy u ah qiyaastii 11 malyan oo ruux.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka