AKHRI: Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Ee Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal.

Sidaana waxa lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada JSL, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarrada Somaliland, Mudane Maxamed Cabdi Rodol oo ay wehelinayaan maamulka iyo madaxda madaarka, ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyey garoonka, waxaana uu madaxweynuhu ugu horrayn kormeerkiisa ka bilaabay dhabbada ay diyaaraduhu ka haadaan.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu mid mid u galay qolalka, hoolalka iyo dhammaanba xafiisyada shaqo ee madaarka iyo kadimada ay rakaabku kasoo galaan madaarka iyo kuwa laga dhoofo, waxaana si hufan uga warbixiyey maareeyaha Hay’adda Duulista hawada iyo madaarrada Somaliland oo ku dheeraaday horumarka uu garoonku ku tallaabsatay iyo sida ay shaqaaluhu heeganka ugu jiraan shaqada qaranka…”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka