Wasiirii Amniga Jubbaland Ee Ka Baxsaday Muqdisho Oo Maanta Gaadhay Kismaayo

Kismaayo, (HCTV) – Wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo maalintii salaasadii ee todobaadkii hore ay dowladda Somalia ay sheegtay inuu ka baxsaday xabsigii uu ku xidhnaa ayaa ugu danbeyntii maanta gaadhay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Masuuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in Cabdirashiid Janaan uu doon ku yimid magaalada Kismaayo, isla markaana uu yahay Wasiirkii Amniga Jubbaland oo xilkaasi aan laga qaadin.

Doonta uu ku tagay Janan magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay ka soo qaaday xeebaha magaalada Muqdisho, waxaana wararku intaa ku darayaan in sidoo kale ay jirtay doon kale oo ka timid dhinaca magaalada Kismaayo oo markii danbe lagu wareejiyay.

Warbaahinta ayaa lagu wadaa inuu magaalada Kismaayo kula hadlo Cabdirashiid Janaan oo muddo dhowr bilood ah magaalada Muqdisho ugu xidhnaa dowladda Soomaaliya, kaas oo ku eedaysnaa inuu gaystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.