Qaahira: Dalalka Carabta Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Qorshaha Trump Ee Bariga Dhexe

Qahira, (HCTV) – Dalalka Jaamacada Carabta ayaa si buuxda u diiday qorshaha Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ee ku wajahan Bariga Dhexe kadib markii ay kulan degdeg ah ay ku yeesheen caasimada dalka Masar, waxaanay sheegeen in horsed ka noqon doonin heshiis nabadeed.

War-murtiyeed ka soo baxay maanta oo Sabti ah ayaa lagu sheegay in la diiday Heshiiska Maraykanka iyo Israel ee qorshaha qaraniga ah, kaas oo ay ku tilmaameen in aanu tixgalinayn xaqa iyo aayo ka tashiga dadka falastiiniyiinta.

Dalalkan ku bahoobay Jaamacada Carabta ayaa isku waafaqay inay aanay kala shaqayn doonin hirgalinta qorshahaasi dalka Maraykanka, waxaanay intaasi ku dareen in Israel aanay qorshahaasi ku hirgalin Karin awood ciidan oo ay isticmaasho. Maadaama oo ay diidan tahay Israel qaraarka dhigaya laba wadan oo ay ku jirto Falastiin oo qaran ahi, isla markaana ku salaysan xuduudii ka hor dagaalkii 1967, xiligaas oo Israel ay qabsatay Daanta Galbeed, Gaza iyo Bariga Qudus, isla markaana ay ugu yeedhay bariga Qudus caasimada Falastiin ee Mustaqbalka Qaran dalkaasi leeyahay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.