8 Askari Oo Lagu Dilay Weerar Al-shabaab Ku Qaaday Saldhiga Milatariga Somalia Ee Qalimow

Shabeele, (HCTV) – Ugu yaraan 18 askari oo ay ku jiraan 8 askari oo ciidamada dawlada Somalia ka tirsan iyo 10 ka tirsan dagaalyahan ayaa ku dhintay, halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen markii ay Al-shabaab ay weerar ku qaaday ciidamada dawladda Somalia iyo Ciidamada Midawga Afrika ee Nabad-ilaalinta u jooga Somalia.

Weerarkan oo ka dhacay Shabeelada Hoose maanta oo Axad ah, sida Xasan Ibraahim oo ah sarkaal ka tirsan Milatariga Somalia uu u sheegay Wakaalada Wararka ee Anadolu oo sheegtay inay khadka telefoonka kula xidhiidhay, waxaanay weerarkaasi ka dhacay Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Amisom iyo kuwa Dawlada Somalia ee Qalimow.

“kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab waxay weerartay saldhigaya Qalimow subaxnimadii Axad. Sided askari ayaa nagaga dhintay balse waxa aanu dilnay 10 askari oo ka tirsan Al-shabaab,” ayuu Ibrahim u sheegay warbaahinta Anadolu.

Sidoo kale kooxda ayaa weerar ku qaaday meelo kale, iyagoo ku weeraray hub calculus, balse ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha goobtaasi kale ka dhashay.

Kooxdan mitidka ah ee Al-shabaab ayaa xidhiidh la leh Al-qaacida, waxaanay durtaba ay sheegteen masuuliyada weerarka ka dhacay Qalimow ee lagu dilay 13-ka askari.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii laba qarax oo ka dhacay caasimada Somalia ee Muqdisho ay ku dhinteen Afar Askari, kuwo kalena lagu dhaacay, waxaanu weerarkaasi ka dhacay degmada Kahda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.