AKHRI: Maxay Daaran Tahay Yeedhmada C.I.D-da Ee Wariye Xasan Galaydh?

Hargeysa, (HCTV) – Wariye Xasan Galaydh oo ka tirsan Telefishanka HCTV ayaa maanta looga yeedhay Xarunta Dambi-baadhista ee magaalada Hargeysa, kaas oo su’aalo la waydiiyey kadibna la sii daayey.

Wariye Xasan Hassan Galaydh ayaa tagay xarunta CID-da kadib markii looga yeedhay, waxaanay mudo saacado ah Saraakiisha Xarunta Dambi-baadhista ee CID-du ay waydiinayeen su’aalo, waxaana sidoo kale ay la balameen maalinta barito ah si ay su’aalo kale ay u waydiiyaan.

Ilaa iyo hadda ma cada waxa loo haysto wariyaha, balse xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa mudooyinkii u dambeeyey qaadaysay Talaabooyin guracan oo ka dhan ah saxaafada Somaliland, kuwaas oo lagu xidhay wariyeyaal tiro badan.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2019-ka ayaa Somaliland lagu xidhay dad tiradoodu gaadhayso 88 qof oo isugu jira Suxufiyiin iyo dad kale oo caadi ah oo loo xidhay aragtiyo ay baraha bulshada ku baahiyeen, waxaanay talaabooyinka noocan ahi ay ka horimanayaan, Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 32aad oo damaanad qaaday Xoriyatul Qawlka iyo xeerka saxaafada Somaliland ee Xeer Lambar 27/2004.

Hase yeeshee sanadkan cusub ee 2020-ka ayaa ku bilaabay ifafaale aan wanaagsanayn kadib markii cadaadis iyo cabsigalin ay xukuumada Somaliland ay ku bilawday Saxaafada.

Todobaadkii hore 25-kii January 2020 ayay ahayd markii Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin uu ku tiraabay inay jiraan soddon wariye iyo telefefishan oo laga masruufo Somalia, taas oo dad badan ay u arkeen talaabo lagu cabsi galinayo saxaafada.

Dhinaca kale 29-kii bishii January 2020 ayay ahayd markii Wakiilka dawladda Ingiriiska u fadhiya caasimada Somaliland ee Hargeysa, Stuart Brown oo hadal ka jeediyey kulan sare oo lagaga hadlayey xoojinta xoriyadda saxaafada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen dhinacyo kala duwani uu ka sheegay in Somaliland sumcad xumo ay ka qaaday cabudhinta xoriyadda hadalka.

Isagoo soo qaatay Wakiilka dawladda Britain u jooga xafiiska Hargeysa in la xidhay 31 suxufi oo 26 ka mid ah aan kiisaskooda la keenin wax maxkamadd ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.