Madaxweynaha Djibouti Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Raysal Wasaaraha Sudan

Djibouti, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Djibouti Mudane Cumar Ismacil Cumar Geelle, ayaa kulan  qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Raysal Wasaaraha cusub ee dalka Sudan Dr. Abdullah Hamdouk.

Labada Masuul ayaa ka wadahadlay arrimo badan oo laba geesood ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee si isku mid ah u saameeya.

Socdaalkan Raysal Wasaaraha dalka Sudan uu ku yimid dalka Djibouti ayaa noqonaysa booqasho rasmi ah oo laba maalmood qaadanaysa oo uu ku joogo casuumadda Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay qaabkii iskaashi laba geesoodka ah loo samayn lahaa iyo sidii Jabuuti loogu wargalin lahaa horumarka ka socda Suudaan, sida uu sheegay safiirka Suudaan ee Jabuuti, Hamza al-Amin Baou.

Wuxuu sidoo kale dhagax dhigay xarun cusub oo ay yeelato Urur goboleedka IGAD uuna booqan doono.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.