Qofkii Ugu Horeeyey Oo Coronavirus Ugu Geeriyooday Meel Ka Baxsan Shiinaha

Phlippines, (HCTV) – Nin ayaa dalka Philippines ugu geeriyooday Virus-ka coronavirus, waxaana la xaqiijiyey in kiiskani uu yahay dhimashadii ugu horaysay ee ka dhacda meel dibada ka ah dalka Shiinaha oo markii hore uu ka bilaabmay.

Bukaanka geeriyooday ayaa da’diisa lagu sheegay 44-jir u dhashay dalka Shiinaha oo ka yimid magaalada Wuhan, ee gobolka Hubei ee dalka Shiinaha oo ah halkii ugu horaysay ee virus-ku ka dilaacay.

Ninka geeriyooday ayaa markii hore lagu arkay calaamadaha cudurkan ka hor intii aanu usoo socdaalin dalka Philippines, sida ay sheegtay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee the World Health Organization (WHO).

Tiro ka badan 300 ayaa u dhintay cudurkan tan iyo intii uu dilaacay ilaa iyo hadda, kuwaas oo badidoodu ka soo jeeda gobolka Hubei.

Sidoo kale tiro ka badan 14,000 ayuu asiibay Virus-ku dalka Shiinaha oo kaliya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.