Tirada Xubnaha Kasoo Goosanaya Al-shabasb Oo Isa-soo Taraysa

Kismayo/Muqdisho, (HCTV) –  Bilihii u dambeeyey waxa isa-soo tarayay tirada saraakiisha kasoo goosanaysa ururka Al-shabaab, kuwaas oo badankoodu isu soo dhibeen ciidamada Somalia ee ku sugan gobolka Jubbaland.

Siday ku warameen qaar ka mid ah xubnaha isa soo dhiibay waxa ilaa sanadkii 2019-ka dhex aloosnaa ururka Al-shabaab khilaaf xoog leh oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee dadka rayidka ah kasoo gaadha qaraxyadda uu fuliyo ururka Al-shabaab, taas oo tiro badan oo xubnaha Al-shabaab ka tirsani ku taliyeen in la joojiyo hawlgalada ay waxyeelada balaadhani kasoo gaadhayso dadweynaha.

Xubnaha arintan soo jeediyey ayaa ku dooday in qaraxyada noocaas ah uu Al-shabaab ku waayayo taageeradii dadweynaha. Waxa seh ra’yigaasi kasoo horjeedsaday qayb laxaad leh oo iyagu aaminsan in dadka iyo dawladduba yihiin murtadiin diintii Islaamka ka baxay sidaas darteedna ay banaan tahay diiniyan in lala dagaalamo.

Khilaafkan ayaa sida la sheegay sababay koradhka isa soo taraya ee ku yimid tirada xubnaha Al-shabaab ee kasoo goosanaysa ururkaasi iyadoo sanadki 2019 ilaa dhamaadkii January 2020 ay isa soo dhiibeen saraakiil iyo dagaalyahano tiradooda kor u dhaaftay 320 xubnood.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.