Ayaxii Ugu Darnaa 70-kii Sano Ee La Soo Dhaafay Oo Khatar Ku Haya Bariga Afrika+SAWIRO

Muqdisho/Nairobi, (HCTV) – Ayax tiro badan ayaa khatar galiyey isla markaana baabiiyey tobanaan kun oo qoodi ama hectares (acres) oo dhul beereed ah oo ku yaala dalalka Kenya, Somalia iyo Ethiopia, waxaanu Ayaxani uu caqabad weyn uu ku yahay helida cuno.

Weerarkan uu soo qaaday Ayaxan dilaacay ayaa lagu tilmaamay kii ugu darnaa ee soo mara dalalkani 70-kii sano ee u dambeeyey.

“Ayaxani waxa uu sidoo kale khatar galiyey dalalka, gaar ahaana Koonfurta Sudan, Uganda iyo Eritrea..,” Sidaasi waxa yidhi Bukar Tijani, oo ah Kaaliyaha Agaasimaha hay’adda FAO, qaybteeda Beeraha iyo ilaalinta dalaga.

Ayaxan ayaa yimid xili markoodii horeba 11 Milyan oo qof oo ku kala nool Ethiopia, Somalia iyo Kenya ay daris la ahaayeen hubanti la’aan dhinaca raashinka ah, waxaanu Ayaxani uga sii daray xaalada sida ay sheegtay hay’adda FAO.

“Sidaa darted, waxa aanu u baahanahay in aanu samayno wax kasta oo lagaga fogaan karo xaaladdan ka sii daraysa,” ayuu yidhi Dominique Burgeon, Agaasimaha FAO qaybteeda Soo Kabashada iyo Xaaladda Degdega ah, oo socdaal ku marayey gobolada Samburu iyo Kitui, oo ka mid ah 15 gobol oo uu saameeyey dalka Kenya oo kaliya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.