Sheekh: 7 Qof Oo Ay Ku Jiraan Hooyo Iyo Laba Hablood Oo Ay Dhashay Oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday

Sheekh, (HCTV) – Shil gaadhi oo maanta ka dhacay meel u dhaxaysa Burco iyo Sheekh ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen todoba qof, oo ay ku jiraan hooyo iyo laba hablood oo ay dhashay.

Gaadhigan uu ka dhashay shilku ayaa noociisa lagu sheegay inuu ahaa Noho.

Wariye Mahad Goodir, oo Burco ku sugan ayaa sheegaya in maydadka iyo dhaawaca dadkan la gaadhsiiyay Cisbitaalka Burco.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.