Entebbe: Raysal Wasaaraha Israel Oo La Kulmay Hoggaamiyeyaasha Sudan Iyo Uganda

Ugandan President Yoweri Museveni (R) and Uganda's First Lady Janet Museveni (2nd R) pose for photo with Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu (L) and his wife Sara Netanyahu (2nd L), at the State House in Entebbe, Uganda on February 3, 2020. (Photo by SUMY SADURNI / AFP)

Entebbe, Uganda, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Israeli Benjamin Netanyahu ayaa la kulmay hogaamiyaha dawladda ku meelgaadhka ah ee dalka Sudan Abdel-Fattah Burhan, waxaana la sheegay in kulankan uu bilaw u yahay caadiyeynta xidhiidhka labada dhinac ee Israel iyo Sudan, waxaanay wadahadalku ka dhacay dalka Uganda.

“Waxaanu isku waafaqnay in aanu bilawno wadashaqayn nagu hoggaamisa in aan caadi ka dhigno xidhiidhka u dhexeeya labada dal. Taariikh ahaan!” ayuu waxa uu sidaasi ku yidhi Netanyahu oo twitter-ka soo dhigay qoraal ku qornaa Hebrw kulanka ka dib.

Dhinaca kale  Raysal Wasaare Netanyahu ayaa la kulmay Madaxweynaha Uganda President Yoweri Museveni, oo dalkiisa uu ku soo booqday, waxaana socdaalkan la sheegay inuu yahay kii shanaad ee uu dalkaasi Uganda uu ku yimaado saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale Netanyahu walaalkii ayaa ku geeriyooday dalka Uganda 1976-kii intii lagu gudo jiray soo samatabixintii dadkii Israeliyiinta ahaa lagu afduubay garoonka diyaaradaha ee Entebbe.

Labada hogaaamiye oo shir jaraa’id oo wada jir ah qabtay ayaa Raysal Wasaaraha Israel waxxa uu ka codsaday in Uganda ay Safaaradd ka furato magaalada Barakaysan ee Qudus, Israelna ay safaarad ka furan doonto Uganda, hase yeeshee Madaxweynaha dalka Uganda ayaa sheegay inuu ka fiirsan doono inay Safaaradd ka furtaan Qudus iyo in kale.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.