Madaxweynaha Jabuuti Oo Sheegay Inuu DP World Diyaar Ula Yahay Magdhow

Jabuuti (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Dacwad  dhaxaysa Dalkiisa iyo Shirkadda DP World.

Madaxweyne Geelle oo Waraysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa sheegay in Dacwadd ay Shirkadda DP World ka gudbisay Dawladda Jabuuti aanay ahayn mid macno leh oo waxyeelo u geysan karta.

Madaxweyne Geelle oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Maxkamadda ay sheegayaan Shirkadda DP WORLD mid Annaga na qabata maaha, Maxkamad aanad Adigu u joogin wax ay kaa qaadi karto ayaa iska yar.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Shirkadda DP World ay Dekedda Dooraale ee Jabuuti ku leedahay Saami dhan 33%, diyaarna u yihiin inay DP World siiyaan Magdhow “Annagu wanaag iyo niyad-sami waanu la joognaa, inay 33% ku  lahaayeen Dekeddaana waanu qiraynaa, Annaguna aanu 67% lahayn waanu qiraynaa, laakiin waxan ay Warbaahinta ka wadaan malaha wax kale ayay doonayaan oo maaha dad wanaag doonaya, maaha Dad doonaya in Shuraakadii la soo celiyo..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Annagu haddii Magdhow la doonayo diyaar baanu u nahay, laakiin Gobanimadayadu tu la iibinayo maaha..”

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka