Madaxweyne Trump Oo Far-Cidideed Kaga Badbaaday Xil Ka Xayuubin

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka badbaaday xil ka xayuubin kadib markii aqalka Senate-ka dalka Maraykanku uu cod u qaaday.

Fadhigii Aqalka Sanadka ee dalka Maraykanka ayaa 52 mudane oo aqalka Sanadka ahi ay diideen maamuus ka xayuubinta, halka 48-ka kalena ay ogolaadeen qododkii 1-aad ee maamuus xayuubinta.


Qodobkii labaad ee maamuus ka xayuubinta Trump, waxaa diiday 53 mudane, halka 47 mudane ay ogolaadeen.

Madaxweynaha dalka Maraykanka President Donald Trump ayaa lagu eedeeyay inuu awoodiisa si khaldan u adeegsaday.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA