Puntland: Weriye Cumar Soomane Oo Damaanad Lagu Siidaayey

HomeSomali News

Puntland: Weriye Cumar Soomane Oo Damaanad Lagu Siidaayey

Duulimaadyadii Tooska Ah Ee Muqdisho Iyo Nairobi Oo Maanta Dib U Bilaabmay
Madaxweyne Biixi Oo Cisbitaalka Ku Booqday Xasan Ciise Jaamac
Wasiirka Maaliyada Ethiopia Oo Ka Hadlay Hanaanka Lagu Madaxbanaanaynayo Isgaadhsiinta Dalkaasi
Madaxweynaha Waqooyiga Korea Oo Kulan La Yeelanaya Vladimir Putin
Beesha Caalamka Oo Ku Baaqday In Maamul Goboleedyada Iyo Dawladda Somalia Ay U Dhamaadaan Ka Qaybgalka Shirka Dhuusomareeb

Nugaal, (HCTV) – Weriye Cumar Maxamed Soomane oo ahaa suxufi katirsan madaxtooyada Puntland, ayaa dib u helay xoriyadiisii, kadib maanta la horgeeyay maxkamada dajarada koowaad ee gobolka Nugaal ee Puntland.

Cumar Soomane ayaa lagusii daayay damanaad sida uu sheegay xeer ku xigeenka Punrland Maxamed Xareed Faarax, kaasoo warbaahinta uga waramay xarriga weriyaha iyo dambiyada lagusoo xiray.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in muddo 7 ciishe ah go’aan laga gaaridoono kiiska loo haysto Cumar Soomane uuna xor yahay in baaritaanka uu kasoo dhamaanayo.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu ka gaabsad  inuu sheego dambiyada lagusoo oogay weriyaha.

Ururka saxaafada Puntland iyo saxafiyiinta ka howlgalla Puntland ayaa kaalin ka qaatay sidii weriyahaas uu dib  xoriyadiisa ugu heli lahaa, kadib muddo 24 saac ku dhow oo uu ku xirnaa saldhiga dhexe ee Garowe.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS