Somaliland: Maxaa Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Ee Maanta ?

Hargeysa (HCTV) – Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa lagaga hadlay Arrimo kala duwan, sida Mashruuca Maamul daadejinta Dawladaha hoose ee JPLG, kaasi oo uu Madax ka yahay Madaxweyne ku-xigeenka JSL.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, kaasi oo u qornaa sidan “Fadhigii 54aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu lafo-guray mashruuca maamul-daajinta dawladaha hoose ee Bulshada loogu dhaweynayo Adeegyada Aas-aasiga ah ee JPLG-ga iyo arrimo kale oo qaranka muhiim u ah.

Ugu horayn Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa golaha warbixin dheer ka siiyay mashruuca horumarinta iyo maamul daadejinta  Dawladaha hoose ee JPLG   oo laga maamulo xafiiska madaxweyne ku xigeenka,  isagoo xusay marxaladihii mashruucu soo maray iyo sida dawladaha hoose uga faa’iidaystaan.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxu tilmaamay in mashruucan oo dalka ka bilaabmay sannadkii 2008-dii Laguna bilaabay 8-degmo sannadkan 2020-kana lagu fidiyay 3-degmo oo cusub  oo ah degmooyinka Ceergaabo, Laascaanood iyo Caynaba.

Dhinacooda masuuliyiin ka socday xafiiska mashruucan, ayaa golaha u soo bandhigay  heerka horumarineed ee mashruucan iyo maamul-daadejintiisa oo lagu ballaadhiyay adeegga Aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada sida caafimaadka,  waxbarashada  iyo biyaha, waxana mashruucani muujinayaa diyaarinta qorshaha degmooyinka iyo horumarka  maamul-daadejinta, isaga oo  door muuqda ka qaadanaya  kor uqaadidda iyo koboca dhaqaale ee dawladaha hoose ee dalka.

Sidoo kale, wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isagoo  dul istaagay diyaar garowga wasaaradda horumarinta caafimaadku ka gashay sidii looga gaashaaman lahaa ka hortagga caabuqa coronavirus, iyadoo madaarrada, dekedaha iyo xuduudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland heegan buuxa la geliyay laguna diyaariyay kooxo caafimaad oo tababaran.

Wasaaradda horumarinta caafimaadku waxay bulshada Somaliland ku baraarujinaysaa inay ilaaliyaan fayo-dhawrka iyo nadaafadda goobahooda waxayna wasaaraddu kaashanaysaa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO iyo daneeyayaasha caafimaadka Somaliland.

Dhinaca kale, guddida arrimaha bulshada ee golaha ayaa warbixin qoto dheer golaha ka siiyay qorshaha dadka baahiyaha gaarka ah leh, iyagoo soo diyaariyay sidii dadkaas looga taageeri lahaa caafimaadka, waxbarashada iyo xirfadaha.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, ayaa golaha u soo bandhigay daraasadda gaadiidka dawladda isagoo iftiimiyay qorshayaasha loo dejiyay gaadiidka ee ilaalinta, dayactirka iyo tayaynta gaadiidka.”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.