WHO Oo Sheegtay In $1.4 billion Sanad Kasta Kaga Baxdo Dawaynta Hablaha La Gudo

Hargeysa, (HCTV) – Maanta oo ay taariikhdu tahay February 6, 2020 waxa Adduunka laga suxay maalinta loo asteeyey maalinta dulqaadka ugu hooseeya loo moojiyo Gudniinka Gabadhaha (International Day of Zero Tolerance for FGM.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in Gudniinka Habluhu aanu sababin dhibaato dhaqaale oo kaliya balse ay ka dhalato gaboodfalo bani’aadanimo, isla markaana malaayiin hablo iyo dumar ah ay u gaysato waxyeelo maskaxeed iyo mid jidh ahaaneedba.

Qaabkan cusub ayaa shaaca ka qaaday in wadarta guud ee daaweynta gudniinka ay noqotay 1.4 bilyan oo doollar sanadkiiba.

Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland oo qoraal kooban oo ay soo saartay soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter-ka, Ayaa tidhi “Muhiimada halku dhiga sanadkan ee dulqaadka ugu hooseeya ee gudniinka ayaa ah; Luminta Awooda Dhalinta: Hal Go’aan oo ah Dardar galinta Tallaabooyinka Ku Saabsan gabo ahaanba joojinta Gudniinka Gabdhaha markay tahay 2030.

Haddii aad tahay qof dhalinyaro ah, ha lumin awoodaada oo ku soo biir dhaqdhaqaaqa si aad u joojiso Gudniinka.”

Dhinaca kale Xafiiska Midawga Yurub ee Somalia ayaa sheegay in Somalia ay muujisay taageero buuxda oo lagu taageerayo dawladda Somalia si loo soo gabogabeeyo gudniinka gabadhaha. Tani waa mid halis leh iyo caado aan xaq ahayn oo ay tahay in ay meel uga soo wadajeedsano sidii loo soo afjari lahaa.

Somalia ayaa lagu tilmaamaa inay tahay meesha ugu saraysa aduunka ee hablaha la gudo waxaana boqolkiiba 98% la gudaa hablaha, sida uu muujinayo muuqaalka EU-du ay soo dhiga barta Twitterka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.