Hoggaamiyeyaasha Ka Qaybgalaya Shir Madaxeedka Midawga Afrika Oo Ku Qulqulaya Addis Ababa

Addis Ababa, (HCTV) – Madaxweynayaasha dalalka Afrika ee ka qaybgalaya shir madaxeeda 33aad ee ururka Midawga Afrika ayaa u socdaalaya dalka Ethiopia, kuwaas oo si diiran uu ugu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed.

Shir Madaxeedkan dalalka Afrika ayaa la filayaa in 9-ka bishan February uu ka furmo caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, waxaana durtaba soo gaadhay magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Koonfur Africa, Cyril Ramaphosa, Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi, Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo Nigerian Muhammadu Buhari, kuwaas oo dhamaantoodba ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha maalintii Jimcihii u safray dalka Ethiopia si ay shirkaasi uga qaybgalaan.

Inta lagu gudo jiro shir madaxeedkan dalalka Afrika ayaa waxa la filayaa in Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi inuu hogaaminta Midawga Afrika uu ku wareejiyo madaxweynaha Koonfur Afrika Mr Ramaphosa, kaas oo la filayo inuu doorkiisa ka qaato qorshayaasha ay ka midka yihiin kor u qaadista Nabadda Afrika iyo Raadinta horumaro dhaqaale oo qaaradu gaadho.

Shir Madaxeedkan Midawga Afrika ee sanadkan 2020 ayaa muhiimadiisu ay tahay wax ka qabashada Hubka, iyo sidii loo abuuri lahaa horumar dhinacyo badan ah, gaar ahaana dhinacyada nabada iyo amaanka Afrika.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.