Maraykanka Oo Ka Hadlay Duqaymo Ay Khamiistii Ka Geysteen Jubbada Dhexe

Jabuuti (HCTV) – Taliska guud ee Ciidammada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa ka hadlay Weerar dhinaca Cirka ah oo ay Khamiistii Toddobaadkii hore la beegsadeen Xarun ay Al-shabaab leeyihiin.

Africom ayaa sheegay in duqamo laba ah oo Diyaaradahoodu la beegsadeen Guri ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah kooxda Al-shabaab.

Ku-xigeenka Agaasimaha Howlgallada ee Taliska Milatariga Mareykanka ee Afrika, Gen. Bradford Gering ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay inay aaminsan yihiin in duqaymaha ay diyaaradahoodu u geysteen Dhismaha Al-shabaab lagu burburiyey saldhiggaasi, laguna waxyeeleeyay laba ka mid ah Dagaalyahannadii kooxdaasi ee halkaa ku sugnaa.

Bradford Gering wuxuu sheegay in sababta ay sida joogtada ah duqaymahan uga sameeyaan gudaha Dalka Soomaaliya ay tahay inay Dawladda Soomaaliya ka caawiyaan inay naafayso kooxda Al-shabaab.

Laakiin, Kooxda Al-shabaab ayaan weli ka hadal sheegashada Maraykanka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka