CHINE: Dadka Dhintay Oo Kor U Dhaafay 1000 Iyo 42 Kun Oo U Jiifa Caabuqa Coronavirus

China (HCTV) – Sida la soo weriyey Caabuqa coronavirus ayaa 108 Qof oo cusub ku dilay Dalka Shiinaha 10-kii bishan February oo Shalay ahayd.

Waa dhimashadii ugu badnayd ee Hal Maalin dhacda, tan iyo markii uu Dalkaasi ka dillaacay Caabuqa coronavirus, marka la eego Tirada Dadka sida Maalinlaha ah ugu dhimanayey Magaalooyinka Dalka Shiinaha, gaar ahaan Magaalada Wuhan.

Inta Xanuunkani ka dilaacay Dalka Shiinaha, waxa Shaqooyinkoodii laga eryey laba Masuul oo sare, kuwaasi oo ka mid ah Madaxda Gobolka ay ka tirsan tahay Magaalada Wuhan ee uu Xanuunkani sida daran ugu fiday Dadkeeda.

Tirada Dadka Shiinaha ugu Geeriyooday coronavirus ayaa gaadhay 1,016 Qof, iyadoo 24-kii Saacadood ee u dambeeyayna uu Xanuunkaasi lagu arkay Dad gaadhaya 2,478 oo cusub, taasi oo tirada Dadka u jiifa Xanuunkaasi ka dhigaysa 42,638 Qof, sida laga soo xigtay Komiishanka Qaran ee Caafimaadka Shiinaha.

Inta badan Dadka 24-kii Saacadood ee u dambeeyay u geeriyooday Xanuunkan, ayaa 103 ka mid ahi waxay ku dhinteen Gobolka Hubei, kuwaasi oo 67 ka mid ahi ku Geeriyoodeen Caasimadda Gobolkaasi ee Wuhan.

Labada Masuul ee Shaqada laga caydhiyey ayaa kala ah Zhang Jin oo ka mid ahaa Xoghayeyaasha Guddiga Caafimaadka ee Gobolka Hubei iyo Ling Yingzi oo ahaa Agaasimaha Guddiga Caafimaadka ee Gobolka Hubei, sida ay soo werisay Warbaahinta Dawladda Shiinuhu.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka